Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood iyo Somaliland oo War kasoo saartay

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay muddooyinkii dambe isku hor fadhiyeen labada dhinac.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka saakay ka socda duleedka magaalada Laascaanood ayaa ah mid aad u xooggan, waxa ayna labada dhinac is dhaafsanayaan hub aad u culus iyo madaafiic .

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray ciidamada dagaalamaya, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dagaalka dib uga qarxay magaalada Laascaanood kasoo gaaray dadka shacabka.

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxaha huwanta ah ee isugu jira ciidanka Putland , Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidankooda ee Laascaanood.

Somaliland ayaa sheegtay in ay iska difaaceen weerarka saakay ciidankooda lagu soo qaaday, waxa ayna sheegeen in ciidankooda kaliya yihiin difaac ayna wali ilaalinayaan xabbad joojintii ay horey ugu dhawaaqeen.

Dagaalka saakay dib uga qarxay magaalada Laascaanood ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay labada dhinac ee dagaalanaya ababaul dagaal halkaasi ka wadeen, waxaana halkaasi gaarayay ciidamo gurmad ah iyo gaadiid dagaal oo aad u badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiir uu xil gudasho la’aan ku eedeeyay

Cabdi Cade

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

R/W Khayre Oo Shir-guddoomiyay Kulan Muhiim ah oo ka Dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---