Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo laga daad gureeyay Muqdisho oo la geeyay Deegaanka Basra

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa laga daad gureeyay magaalada Muqdisho, waxaana la geeyay ciidankan deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanka Basra ayaa dhawaan xoog looga saaray dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo halkaasi saldhig ku lahaa, waxaana deegaanka hada la dejiyay ciidamo xoogan oo katirsan milatariga Soomaaliya.

Ciidamada 14-ka October ayaa degnaa xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdosho, waxaana la arkayay maalmihii lasoo dhaafay ciidankan oo wata gaadiid dagaal oo loo daad gurenayay deegaanka Basra.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan ciidamo Mareykan ah ayaa Al Shabaab ka saaray deegaanka Basra oo ku dhaw degmada Balcad, waxaana dowlada qorsheesay in deegaankaasi la dejiyo ciidan si aysan mar kale Al Shabaab ugu soo laaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo tababar usoo xiray saraakiil katirsan Danab (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo si lama filaan ah u shaacisay ciidamo ka jooga Soomaaliya

Caydiid Ali

Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dal ka tirsan Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---