Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jeneraal sheegay inuu tartan doorasho la galayo aabihii oo Madaxweyne ah

Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in uu u tartami doono xilka madaxtinimada dalkiisa marka la garo doorashada sanadka 2026-ka.

Muhoozi, oo ah Janaraal muran badan dhaliyay oo marar badan doodo ka dhex-abuuray baraha bulshada hadalladiisa awgood, ayaa sidaas ku sheegay qoraal iuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Khamiistii isagoo sheegay in dadku ay ka codsanayeen inuu ku dhawaaqo sharraxnaantiisa.

“Mar walba waxaad rabteen inaan sheego! hagaag, magaca Ilaahayga, magaca dhammaan dhalinyarada Uganda iyo kuwa adduunka iyo magaca dib u habeyn wanaagsan, waxaan u tartami doonaa madaxweynenimo sannadka 2026!” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.

Janankan aan hadalka la gabban ayaa dhowr jeer muran ka dhaliyey baraha bulshada waxaana ka mid ahaa mar uu sannadkii hore sheegay in uu bishii Jannaayo in uu laba isbuuc oo kali ah u baahan yahay si uu u qabsado magaalada Nairobi ee caasimadda dallka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Suul saar laga hir-geliyay xarunta gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho farriin diray

Cabdi Cade

Howlgalka Tababarka Midowga Yurub oo War kasoo saaray Qaraxii Muqdisho

Cabdi Cade

Mareykanka oo weerar ku qaaday xubno katirsan Al Shabaab iyo Taliska Africom oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---