Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadaha Isgaarsiinta oo lagala hadlay Hirgelina Go’aano kasoo baxay Guddi Qaran (Sawirro)

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Xarunta Warbixinadda Maaliyadda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo maanta si wadajir ula kulmay shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ee bixiya Adeegyada Lacagaha Mobile-da .

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta go’aanadii Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah qodobada guddiga ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ee bixiya Adeegyada Lacagaha Mobile-da.

Kulankan waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ahna ku-simaha Guddoomiyaha, Mudane Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali, Agaasimaha Xarunta Warbixinadda Maaliyadda, Marwo Aamina Maxamed Cali, Maareeyaha HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Madax ka socotay Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ee bixiya Adeegyada Lacagaha Mobile-da.

Geba-gebada kulanka ayaa waxaa la isla qaatay in Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ee bixiya Adeegyada Lacagaha Mobile-da in mudadii loo cayimay ku hirgeliyaan dhammaaan qoddobada ka quseeya go’aanadii Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC), dhankooda Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ee bixiya adeegyada lacagaha mobile-da waxay hoosta ka xariiqiin inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku hirgelin doonaan qodobada ka quseeya go’aamada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Joi Biden oo Dambiile dagaal ku tilmaamay Madaxweyne Vladimir Putin

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo daahfurtay Mashruuc weyn oo faa’iido badan leh (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo fatwo ka soo saartay doorashada Somalia, Coronavirus & dagaalka bariga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---