Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka iyo Soomaaliya oo Heshiis Is-afgarad oo quseeya Danab kala saxiixday (Sawirro)

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis  is-afgarad , kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Danab.

Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Muqdisho kula saxiixday heshiiska is-afgaradka ee lagu dhisayo ciidamada kumaandooska Danab danjiraha Mareykanka Mudane Larry André.

”Waxaan maanta aniga iyo danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab” Ayuu yiri Wasiirka difaaca.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay in heshiiskan sahlayo in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidamada kumaandooska Danab, waxa uuna xusay in ciidanka loo diyaarinayo sidii ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

”Ahmiyadda is-afgaradkan waa in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo CXDS ee Danab, si loo gaaro isku filnaansho Ciidamada Qalabka Sida ay kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka” ayuu yiri wasiirka difaaca.

Dowladda Mareykanka ayaa tababaro iyo qalabeyn siisa ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab, waxaana ciidankan ka duwan yihiin ciidamada kale ee milatariga, waxaa si gaar ah ciidankan gacanta ugu haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka dhacay saldhiga ciidamada Gorgor ku leeyihiin degmada Aw-Dheegle?

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo hakiyay Maalgelinta Xafiiska WFP Somalia kaddib xatooyo baahsan oo dhacday

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Safiirka Itoobiya ka guddoomay Warqadaha Aqoonsiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---