Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Turkiga oo beenisay in Diyaarad Ciidankooda leeyahay lasoo riday

Dowladda Turkiga ayaan war aan jirin oo been abuur ah ku tilmaantay wararka sheegaya in diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidankooda lagu soo riday waqooyiga dalka Ciraaq.

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalka diyaarad aan la aqoon cidda iska leh oo xalay ku bur burtay Degmadda Chamanke oo 15 KM u jirta buurta  Gara bee dalka Ciraaq.

Taageerayaasha iyo warbaahinta taabacsan kooxda hubeysan ee PKK ayaa lagu sheegay in helikobtar ay ciidanka cirka Turkiga lahaayeen lagu soo riday gobalka Duhok ee Waqooyiga Ciraaq.

Sarkaal milliteri ayaa warbaahinta u sheegay in uu dab ka kacay diyaarada helikobtarka, waxaana diyaarada bur burtay laga soo saaray  maydadka 7 qof oo aad u gubtay, kuwaa oon wali la aqoonsan heebtooda.

Wasaaradda difaaca dowladda Turkiga ayaa beenisay warka sheegaya in diyaarada lasoo riday ciidankooda leeyihiin, waxa ayna wasaaradda sheegtay in aysan jirin wax diyaarad ah ay leeyihiin ay dul martay hawada aaga diyaarada ku bur burtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab Banaan bax ka dhigayay Muqdisho oo rasaas lagu furay iyo Musharax ka hadlay

Cabdi Cade

Dagaalkii Gaza oo dib u qarxay ka dib xabad joojin todobo cisho socotay (Sawirro)

Caydiid Ali

Erdogan oo dhax dhaxaadinaya labo dal oo dagaal u dhaxeeyo

Cabdi Cade