Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo diiday ka qeyb galka Shirka Baydhabo iyo Beesha Caalamka oo…

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka furmo shirka golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya oo Baydhabo ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, ra’isul wasaaaraha , madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed ,Hirshabelle iyo Madaxweynaha Jubbaland oo gaaraya goordhaw magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa iska diiday ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga Qaran ee maanta ka furmaya  magaalada Baydhabo  .

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uusan shirka diyaar u aheyn in uu ka qeyb galo, waxa uuna dhagaha ka fureestay waan waan iyo farriimo dhax dhaxaadin ah oo wakiillo katirsan beesha caalamka u fireen Madaxweynaha Puntlanad.

Wakiillada beesha caalamka ayaa ka codsaday madaxweyne Deni in uu tago magaalada Baydhabo kana qeyb galo shirka, waxa ayna u sheegeen in ay muhiim tahay in tabashadiisa shirkaasi kusoo bandhigo.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ayaana isku raacay in shirka u furmo iyada oo Puntland ka maqan tahay, waxaana shirka laga soo saari doonaa war-murtiyeed Puntland ka maqan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney leysay caruur ay dhashay, ka dibna ku qarisay Qaboojiye (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay maamulada Xudur iyo Tiyeeglow? (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Daah-furay Mashruuca Biyo bixinta iyo Faara bixinta Waraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---