Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Qorshaynta Puntland “Waanu kasoo horjeednaa in Soomaaliya deynta laga cafiyo”

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney waddo qorshe ay ku doonayso in deymo cusub uga hesho dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

Maxamed Siciid Faroole ayaa hadalkan ka sheegay Shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ee shalay lagu soo xiray magaalada Garowe.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo in DF la siiyo deyn cusub xili aan weli la  dhameystirin qorshihii Soomaaliya looga cafin lahaa deymihii hore.

Wasiirka Qorsheynta Puntland waxaa uu intaas ku daray in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

“Wax Puntland kasoo gaaray ma jirto deynta la sheegayo in la cafinayo Soomaaliya, dhamaantood Koonfur ayay gashay, Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya mana aqbalayno.”ayuu yiri wasiirka.

“Waa ka soo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah” ayuu intaas ku daray Wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday xili dhowaan Madaxweyne Xassan Shiikh shaaciyay in dowladdu qaadaneyso boqolaal milyan oo dollar, taasoo lagu hirgelin doono mashaariic horumarineed sidda Isbitaallo, iskuulo waaweyn guud ahaan dalka iyo kaabeyaal dhaqaale oo suuragal ka dhigi kara in deyntaas la gudo, iyadoo laga faaii’deysanaayo kheyraadka ay Soomaaliya caanka ku tahay sida beeraha kaluumeysiga, xoolaha iyo midka dihan ee shidaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqo joojin lagu sameeyay Karar Shukri Doomey iyo Sababta keentay (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade

(Akhriso) Puntland oo War kulul ka soo saartay xaalada dalka, 12 qodobna ku eedeysay DF

Caydiid Ali

Ilmo labo bilood jira oo Shan maalin Kaddib isaga oo nool burbur laga soo hoos saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---