Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo Somaliland ku celiyey markab xoolo siday, kuna xujeeyey Dokumentiga DF

Dawladda Sacuudiga ayaa amartay in dib loo celiyo Markab lagu magacaabo Terest 1 oo wada xoolo Geel ah oo gaaraya 1634 oo Neef

Markabkan ayaa xoolaha ka qaaday dekeda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, isagoo ku xirtay magaalada dekeda Jeddah.

Qoraal ka soo Wasaarada beyadda biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in markabkan uusan wadan habraaca saxda, dhammaan aqoonsiyada ama shahaadooyinka loo baahan yahay ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Markabka ayaa la amray in dib loogu celiyo halka uu xoolaha kasoo qaaday oo ah magaalada Berbera, lana soo marsiiyo dhammaan habraacyada ay xooluhu ku soo galaan Sacuudiga.

Arrintan ayaa dharbaaxo ku ah Somaliland oo sheegata iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayna tahay dal madax banaan, maadaama xoolaha laga dhoofiyo dekeda berbera lagu xujeeyey iney soo qaataan dokumenti ay bixisay dowlada federaalka Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SACUUDIGA OO CARABI KU QORAN

Related posts

Daawo Sawiro : Sidii ay u dhacday Doorashadii Xildhibaanimo ee uu ku guuleystay Generaal Gaafow

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Madaxweyne Trump uu ciidamada Maraykanka ka saarayo Somalia?

Caydiid Ali

Kaalintee Somalia kaga jirtaa dalalka Carabta ee ugu qiimaha jaban Internetka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---