Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne caan ah oo la kulmay oo maxbuus 40 sano ku jiray xabsi (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Max’ud Cabaas Abu Maasim waxa uu qaabilay Jeneral Fu’aad Shobaki oo ah Dagaalamihii ugu da’da weynaa Dagaalamayaasha Xornimo-doonka ee Dadka  Reer Falastiin.

Qaabilaadaasi oo ay ka qeyb galeen Saraakiil muhiimka ka ah Maamulka Falastiin waxay ka dhacday Xarumaha Madaxtooyada ee magaalladda Ramallah.

Madaxweyne Abu Maasim waxa uu u hambalyeeyey Maxbuuska la soo daayey oo muddo 17 sano ku xirnaa Xabsi ku yaalla Israel.

Jeneral Fu’aad Shobaki waxa uu yahay Dagaalamihii ugu da’da weynaa ee qeybta ka ah Halganka Gobanimo-doonka Reer Falastiin.

Madaxweyne Abu Maasim waxaa uu sheegay inuu Hoggaanka Sare ee Falastiin  Qoddob muhiim u yahay sidii loo sii wada dayn lahaa Maxaabiista Reer Falastiin ee ku xiran Xabsiyada Israel.

Jeneral Fu’aad Shobaki oo 83 jir ah waxa uu ku dhashay Deegaanka Al Tufaax ee magaallada Qasa bishii March 12-dii ee sanadkii 1940-kii.

Komaandooska Israel waxay Jeneral Fu’aad Shobaki ka qabteen Markab lagu magacaabo Karen A ship, kaasi oomarayey Badda Cas bishii January 3-dii ee sanadkii 2002-dii.

Israel waxay ku eedeeyeen Jeneral Shobaki inuu Qalab Milliteri u tahriibinayey Dhulka Reer Falastiin iyo inuu ahaa Maskaxda maalgelisa Tahriibinta Hubka sida qarsoodiga loogu gudbiyo Dhulalka La-haysto ee Reer Falastiin.

Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu, Soomaaliya

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo u jabaabay dadka dhaleeceenaya Doorashadii ka dhacday Galmudug

Cabdi Cade

Shirweynaha caafimaadka Caasimadda Muqdisho oo maanta la daah-furay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Habraaca doorashada Saddex ka mid ah kuraasta Golaha shacabka oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---