Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u duulay magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa u ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Xamse Barre iyo wafdiga la socda ayaa Baydhabo u tagaya kaga qayb galka shirka Golaha Wadataashiga Qaranka ee lagu wado in magaaladaasi ka furmo.

Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gaaraan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka Wadatashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa looga hadli doonaa xaalada siyaasadeed ee dalka ,ammaanka iyo sidoo kale howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Related posts

Xannuunka Coronavirus oo laga helay Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka..

Caydiid Ali

Dowladda Ethiopia Oo Ka Soo Horjeesatay In Ciidamada AMISOM Ay Kabaxaan Soomaaliya

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo war kulul ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---