Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay rag sameenayay Maan-dooriye iyo Hub (Sawirro)

Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliiska, milatariga  iyo nabad sugida ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhaxe kusoo qabtay kooxo sameenayay kana ganacsanayay maan-dooriyaal iyo hub ay heesteen.

Howlgalkan ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Ceelcadde ayey ciidanka kusoo qabteen shan nin uu ku mashquulsanaa sameynta iyo ka ganacsiga maan-dooriyaha loo yaqaan Calaqa iyo Xashiish iyo labo qoray oo ay heesteen.

Ragan ciidamada soo qabteen ayaa loo gudbiyay xabsiga saldhigga Balcad, waxa ayna ciidamada bur buriyeen waxyaabihii maanka dooriya ee sameenayeen ragan hubeesan ee ciidamada gacanta kusoo dhigeen.

Taliyaha saldhigga booliiska degmada Balcad Xuseen Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ayasan aqbali doonin in maan-dooriye lagala soo cararay Muqdisho la keeno deegaannadooda, , waxa uuna digniin u diray dadka ka ganacsada maan-dooriyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shirkadda dhismaha ee Bulsho oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Maxay tahay xarunta cusub ee uu xariga ka jaray Wasiir Fartaag?

Caydiid Ali

Daawo:-Wararkii Ugu dambeeyey Weerarka Hotel Elite & Wasiiro ka mid noqday..

admin
Taboola Ads ---