Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Sabab dad badan la yaabeen shaqadiisa ku waayay iyo Youtube oo..

Xildhibaan caan ah oo katirsan baarlamaanka dalka Japan ayaa laga ceyriyay aqalka Senetka ee dalkaasi, kaddib markii uu ku guul dareestay in uu guto waajibaadka Qaran ee loo doortay xildhibaankaasi.

Yoshikazu Higashitani ayaa bishii July ee sannadkii hore loo doortay xildhibaan katirsan golaha Senetka ee dalka Japan, hasa ahaatee xildhibaankan ayaa la sheegay tan iyo markii la doortay in xitaa uusan xaadirin hal kulan oo baarlamaan.

Xildhibaankan oo ah Youtuber caan ah ayaa shaqadii baarlamaanka ee loo doortay uga mashquulay Youtubkiisa, waxa uuna inta badan xildhibaankan waqtigiisa ku bixiyaa in uu iska soo duubo muuqaalo u badan madadaalo.

Xubnaha Senetrka ee dalka Japan ayaa shalay oo Talaado ah go’aansaday in xildhibaankan shaqada ka ceyriyaan, waxa ayna ku eedeeyeen nin gabay waajibkii loo igmaday iskana diiday in uu kasoo qeyb galo fadhiyada baarlamaanka.

Xildhibaankan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee baarlamaanka dalka Japan looga eryo in uu soo xaadiri waayay, waxaana dad badan isweediinayaan sababta ku kaliftay ninkan in uu xildhibaan noqdo haddiiba uusan tageyn fadhiyada baarlamaanka.

Siyaasigan Youtuberka ah ee laga eryay baarlamaanka Japan ayaa la rumeesan yahay in uu ku nool yahay dalka Imaaraadka , waxa uuna dhawwaan sheegay in uu u safrayo Turkiga si uu mushaarkiisa ugu deeqo dadkii waxyeelada kasoo gaartay Dhul-gariirkii dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gen. Odawaa iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Mareykanka oo heshiis cusub wada galay

Caydiid Ali

Nin dhalinyaro ah oo kufsi argagax leh kula kacay ayeeyo 86 sano jir ah

Caydiid Ali

Daawo Video:-Faah faahin kasoo baxday Sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo isku dilay Muqdishoo iyo QM oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo ….

admin
Taboola Ads ---