Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni ayaa maanta u safray dalalka Itoobiya iyo Imaaraatiga Carbeed.
Deni oo ka dhoofay garoonka dayuuradaha Boosaaso ayaa safarkiisa ka bilaabay magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya.
Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay ka wada-hadlaan iskaashiga dhanka Amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada sida ay allbanaadir u sheegeen ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Garoowe.
Deni ayaa sidoo kale u sii gudbaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaana la filayaa inuu wada-hadallo ku saabsan dhanka mashaariicda horumarineed la yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.
Maamulka Deni ayaa xiriir qota dheer la leh dowlada Imaaraadka oo dhinacyo badan ka taageerta, iyadoo shirkada DP World ee laga leeyahay dalkaas ay gacanta ku heyso dekeda Boosaaso oo la filayo iney balaariso sida heshiisku yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com