Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoys ay ku jireen Hooyo iyo caruur oo ku dhintay madaafiic lagu garaacay Baardheere

Hooyo ka mid ah dadka degaanka labo carruur iyo qof ehelkooda ayaa ku geeriyooday Hoobiye ku dhacay hoygooda oo ku yaala degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labo kale oo carruur ah oo isla qoyskan ka tirsan ayaa ku dhaawacmay hoobiyaha oo qeyb ka ahaa tiro hoobiyeyaal oo saaka lagu weeraray Baardheere Wax yar kaddib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoyga martida ee degmadaas.

Afarta qof ee ku geeriyootay hoobiyaha ayaa la sheegay in galabta lagu aasay magaalada Baardheere, iyadoo falkan ay si weyn uga argagaxeen shacabka degmadaas oo maanta si weyn u hadal hayey.

Qaraxa ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa burburiyey guud ahaan guriga martida ee degmada Baardheere, Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa ku dhaawacmay weerarkaan, iyadoo la xaqiijiyay inuu lug ka jabay, waxaana dhaawiciisa loo qaaday magaalada Muqdisho.

Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baardheere ayaa guddoomiyaha xaaladiisa lagula tacaalay kahor inta aan loo duulin Muqdisho.

Al shabaab ayaa mudooyinkan weeraro iyo dilal ka dhan masuuliyiinta gobolka Gedo ka geysanaysay degmooyin ka tirsan gobolkaas kuwaasoo lagu qaarajiyey saraakiil ka tirsan NISA iyo xoogga dalka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii gurigiisa qarax loogu xiray guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Buurdhuubo, kaasoo ku dhaawacmay, sidoo kalena labo carruurtiisa ah ay ku geeriyoodeen qaraxaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Guuldaro Jaceyl darteed u qaadatay Go’aan nolosheeda wax ka bedelay ! (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ee Baraawe

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyay Dilkii Muqdisho loogu geestay Taliye Maxaadey iyo Warar kale

admin
Taboola Ads ---