Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii lagu weeraray Guriga Martida Baardheere (Sawirro)

Qarax ismiidaamin ah oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay lagu qaaday guriga martida ee kuyaalla degmada Baardheere, halkaas oo ay degnaayeen masuuliyiin katirsan maamulka Gedo iyo saraakiil ciidan.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay guriga martida ee Baardheere, waxaana xilliga halkaasi qaraxa ka dhacayay gurigaasi ku sugnaa guddoomiyha gobolka Gedo, masuuliyin iyo saraakiil ciidan.

Guriga la qarxiyay ayaa la sheegay in uu ka socday shir ay leeyihiin guddoomiyaha gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan , waxa ayna ka arrinsanayeen howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo laga bilaabo deegaanno hoostaga degmada Baardheere.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay labo askari oo katirsanaa ilaalada guriga la qarxiyay, halka ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed.

Masuuliyiinta qaraxa ku dhaawacantay ayaa loola cararay isbitaal kuyaalla Baardheere, halkaas oo dhaawacooda lagula tacaalayo, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo dowladda iyo maamulka Jubbalanad kasoo saareen qaraxan.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxa , waxa ayna sheegeen Al Shabaab in ay weerarareen guri uu shir uga socday guddoomiyaha gobolka Gedo, saraakiil iyo masuuliyiin kale ayna khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen weerarka qaraxa ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Roobow oo su’aalo laga weydiiyey arrimo xasaasi ah

Caydiid Ali

Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA oo xilka iska casilay

Caydiid Ali

Xildhibaan Habbad Ali Abdulle oo war kasoo saaray dagaalka Guriceel !!

admin
Taboola Ads ---