Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee mamulka Puntland oo amarro dul-dhigay masaajidda magaalada ku yaalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib dil habeen hore loo geystay Nabadoon caan ah oo la toogtay xili uu ka soo baxay Masaajid ku yaalla xaafada Garsoor.
Warqad uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu faray Masaajidada amaro culus oo ay ka mid yihiin in lagu xiro kaamirooyinka qarsoon, in loo sameeyo Waardiye in la xiro dhamaan luuqyada soo gala masaajidada iyo amaro kale.
HOOS KA AKHRISO
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com