Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxda K/Cagta Chelsea oo shaacisay go’aan ay soo dhoweeyeen Muslimiinta UK

Kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Brirain ayaa ku dhawaaqday iney garoonkeeda ku afurin doonta Muslimiinta deegaanka maalinta ugu horreysa bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Kooxda Blues waxey barnaamijkan iska kaashanayaan hay’adda Kheyriga ah ee (Ramadan Tent Project), taasoo ka diiwaan gashan gudaha UK, waana hay’ad loogu talagalay iney isku keento Bulshada.

Garoonka Stamford Bridge ayaa albaabada loo furi doonaa si Muslimiinta deegaanka loogu afuriyo, waana tallaabo qurux badan oo ay dad badan soo dhaweeyeen.

Muuqaalka Barnaamijkan lagu baahiyay waxaa hadal laga siiyay laba ka mid ah xiddigaha Muslimiinta ee kooxda (Wesley Fofana & Kalidou Koulibaly) oo talaabadaas ku tilmamaay iney tahay mid isku soo dhoweyeneysa bulshooyinka kala diimaha ah.

Chelsea ayaa noqoneysa hadii ay talaabadan qaado kooxdii ugu horreysay ee ka ciyaarta Premier League oo garoonkeeda maalin soon-qaad ku afurisa muslimiinta degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaas oo ka hadlay doorashadii gudoonka Baarlamanka & khilaafka Somalia & Imaaraadka

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Qaabiley Ole Thonke iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Hay’adda NISA oo sheegtay iney qabatay Sarkaal halis ah oo ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---