Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg ah loooga saaray teendhada Afisiyooni uu ka furi lahaa shir-weynaha waxbarashada dalka, kaddib markii qeybo kamid ah hoolka uu ka kacay dab.
Sida aan wararka ku helnay ilaalada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga saaray hoolka, waxaana madaxweynaha la geeyay goob kale oo ammaan ah inta xal looga helayo dabka kacay hoolka shirka ka furmi lahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu ahaa in uu furo shir-weynaha waxbarashada dalka looga hadlayo, waxaana hoolka ku sugnaa wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan.
Dab ayaana la sheegay in uu ka kacay qeyb kamid ah hoolka shirka ka furmi lahaa, waxaana dabkaasi la sheegay in ay sababtay koronto, xaalad jahwareer ah ayaana mar qura goobta laga dareemay.
Waxii warar ee soo kordha kala soco wararkyaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com