Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo bilowday in xoog uga saarto dadkii degnaa Guryo kuyaalla Muqdisho (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore ammar ku bixisay in laga saaro dadka degan dhul uu leeyahay bangiga dhaxe ee Soomaaliya oo kuyaalla degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Buula Xuubey ee magaalada Muqdisho.

Dhulkan dowladda amartay in dadkii degnaa laga saaro ayaa ah  dabaqyada bangaariyada oo uu leeyahay bangiga dhaxe ee Soomaaliya, waxaana guryahaasi hadda degnaa qaar kamid ah shaqaalihii bhore ee bangiga dhaxe iuo eheladooda.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa saakay gaaray dhulka la amarya in dadka laga saaro, waxa ayna ciidamada bilaabeen fulinta ammarkii lagu siiyay in dhismaha bangaariyada laga saaro dadka wali ku harsan.

Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya dadkii degnaa dhismayaasha bangiga dhaxe leeyahay oo alaabahooda bannaanka loo dhigay, ciidamada ayaana dadka si xoog ah uga soo saaraya dhismayaashaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhismayaasha bangaariyada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh dooneyso in ay ku wareejiso bangiyo Soomaaliyeed iyo mid laga leeyahay dalka Masar, kuwaa oo kooxda Xasan lacago deyn ah ka qaateen xilligii doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun xabsi ah iyo Ganaax lacageed ku riday Wariye Gurbiye

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyay Xildhibaanimada Shiikh Shariif & khalqal soo wajahay !!

admin

Maxaa ka jira in Xildhibaan C/Rashiid Xidig isku soo sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---