Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in urur ay ku midoobeen dad hore madax Soomaaliya uga soo noqday oo ugu yeeray G21 ay wadaan qorshe Somaliland lagu burburinayo, ayna ka danbeeyaan dagaalka Laascaanood ka aloosan.
Waxa uu sheegay in kooxda G21 ay sidoo kale isku dayeen inay kiciyaan dadka reer Awdal balse ay ku fashilmeen markii gobolkaas ayu iska diideen oo ay u sheegeen inay xoryihiin oo aysan wax dhibaato ah ku qabin maamulka Somaliland.
“Qorshihii la doonayay in Somaliland lagu baabi’iyo ee kooxda G21 ay waday wali sidiisii ayuu u socdaa, waxa jirta in adduunkii laga dhaadhiciyey dacaayad ciida ka badan, oo wax beeniyana la waayay, maadaama dowlada Muuse Biixi ay hadda iska saqiirtayba” ayuu yiri Faysal.
Waxa uu sheegay in Somaliland loo adeegsaday quwado shisheeyee si loola dagaalamo, isla markaana loo kala dhantaalo midnimadeeda laakiin ay shaqeyn weyday, isagoo cambaareeyay eedayntii ay Somaliland u jeedisay Dowlada Deegaanka Soomaalida.
Waxa uu ku baaqay in qorshe cad laga yeesho xaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka deegaanka Laascaanood iyo Somaliland anay dagaalamayn balse ay xoogag kale ku soo duuleen gobolka Sool.
Faysal ayaa ugu dambayn, wuxuu u hambalyeeyay millateriga Somaliland, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay dadka leh ciidanka Somaliland halaga saaro Laascaanood “Wax laga xishoodo weeyi in la yiraa ciidamo dhulkoodi jooga naga saara” ayuu intaas ku daray.
Ing. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay In Somaliland ay heysato hogaan xumo wuxuuna ugu baaqay Muuse Biixi inuu iska casilo xilka Madaxweynaha Somaliland, uuna kursiga ku wareejiyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Seylici.
Shacabka reer Laascaanood waxaan u sheegeynaa ayuu yiri in waxaa dhibaatada wada uu yahay oo kaliya Muuse Biixi oo uu sheegay inaaney iyaga keligood weerarin balse uu horey xabad uga riday Hargeysa, Burco iyo degaano kale oo Somaliland ka tirsan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com