Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ambabixin ah xafiiskiisa kula qaatay dhibane Deeqa Maxamed Makaraan oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo in muda ah la xanuunsan xanuun ka haleelay Lugta bidix.
Madaale ayaa horey xaaladeyda Caafimaad u damaanad qaaday Dhibane Deeqa ka dib markii uu xaaladeeda caafimaad ku arkay baraha bulshada
Deeqa Maxamed Makaraan ayaa dhawaan safar u ah dalka Turkiga si xaaladeda caafimaad halkaas loogu dabiibo, iyadoo haatan loo dhameystiray dokumentiyadii iyo qarashkii ku bixi lahaa caafimaadkeeda inta ay joogto Turkiga sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka Banaadir.
Waxay ugu mahadcelisay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) balan qaadka iyo garab istaaga uu u muujiyay, iyadoo ugu duceysay inuu ALLE la garab galo xilka culus ee uu ummada u hayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com