Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay saddex dagaalyahan oo Falastiini ah manta kuwaasoo rasaas ku furay ciidamada ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay milatarigu sheegeen, waa dhiiggii ugu dambeeyay ee daadanaya rabshado socday muddo sannad ah oo gobolka ka jiray
Guutada Shuhadada Al-Aqsa, oo ah garab hubaysan oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas’ Fatah, ayaa sheegtay in ragga la dilay ay ka tirsan yihiin.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in raggan ay ciidanka Israa’iil ku dileen meel u dhow magaalada Nablus waxayna magacyadooda ku sheegtay Jihad Mohammed Al-shami, 24 jir, Uday Othman al-Shami, 22 jir iyo Mohammed Raed Dabeek oo 18 jir ahaa.
Ciidamada ayaa sheegay in rasaasta kadib ay ka furteen saddex qori oo M-16 ah, waxaana la sheegay in hal nin oo hubeysan uu isa soo dhiibay oo gacanta lagu dhigay.
Dhimashada Axaddii ayaa ka dhigaysa 80 tirada Falastiiniyiinta ah ee la dilay tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo Israa’iil ay kordhisay hawlgallada qab qabashada ee Daanta Galbeed. Weerarrada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta ayaa lagu dilay 14 qof oo Yuhuud ah sannadkan 2023-kii.
Rabshadaha cusub ayaa daba socda weerar ay milatariga Israa’iil todobaadkii hore ku qaadeen tuulada Jaba ee daanta galbeed, halkaas oo lagu dilay saddex maleeshiyo Falastiini ah. Saacado ka dib, nin Falastiini ah oo hubeysan uu rasaas ku furay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada Tel Aviv bilowgii usbuuca, isagoo dhaawacay saddex qof ka hor inta aan la dilin.
Rabshadaha hadda socda ayaa ah kuwii ugu xumaa ee Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ku dhex mara Daanta Galbeed muddo sanado ah. Waxay bilaabatay gu’gii hore ka dib weerarro xiriir ah oo falastiiniyiintu ay ku qaadeen Israa’iiliyiinta kuwaasoo dhaliyay weerarro Israa’iil ka geysatay Daanta Galbeed.
Ku dhawaad 150 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed iyo bariga Quddus sanadkii 2022, taasoo ka dhigaysa sanadkii ugu dhimashada badnaa deegaanadaas tan iyo 2004-tii, sida ay sheegtay kooxda hormuudka u ah xuquuqda Israa’iil ee B’Tselem. Weerarrada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta isla waqtigaas waxaa ku dhintay 30 qof.
Milatariga ayaa sheegay in inta badan Falastiiniyiinta la dilay ay ahaayeen mintidiin. Laakin dhalinyaro dhagax-tuur ah oo ka gadoodsan duulaanka iyo kuwa kale oo aan ku lug laheyn iska horimaad ayaa iyagana la dilay.
Israa’iil waxay sheegtay in weerarradan ay lama huraan u yihiin in la burburiyo shabakadaha mintidiinta, loogana hortago weerarrada mustaqbalka. Laakiin weerarradu waxay u muuqdaan kuwo sii xoogaysanaya halkii ay hoos u dhigi lahaayeen.
Falastiniyiinta ayaa u arka duullaankan mid ay Israa’iil ku adkeynayso 55-kii sano ee ay si furan u qabsanaysay dhulalka yuhuuda sida sharci darada ah loo dejinayey
Israa’iil waxay ku qabsatay Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo bariga Quddus dagaalkii 1967. Falastiiniyiintu waxay dhulkaas u raadinayaan dal madax bannaan oo mustaqbalka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com