Shir muhiim ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo looga hadlay Shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqab ku ah hanaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta.
Waxaa Shirka ka qeyb galay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir-kuxigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta.
“Shirkadaha waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta kuwaasoo lagu bixiyo shatiga Spectrum, waxaa laga qaadaya Talaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri wasiirka.
Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa la faray iney u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, aysana jirin shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo.
“Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Wasaaradda u qaabilsan Arimaha Isgaarsiinta waa hay’adda masuulka ka ah fududeynta iyo horumarinta isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, waxaana lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaasoo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha” ayuu yiri wasiirka
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayuu sheegay inay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha Isgaarsiinta ee lagu tuhmo in ay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com