Allbanaadir.com
NEWS

Sweden oo ka farxisay Hooyo Soomaali ah oo dalkaas laga tarxiilay dhowaan

Hooyo Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Rihana Omar ayaa dib ugu soo laabatay Dalka Sweden oo Dhawaan laga tarxiilay kadib go’an kasoo baxay laanta Socdaalka ee dalkaas

Hooyada ayaa saddex caruur ah ku dhashay Sweden oo ay joogtay muddo sanado ah laakiin sharcigeeda oo ahaa Italy ayaa keenay in laanta socdaalka amarto in dalka laga tarxiilo.

1-dii Bishan Maarso ayaa dib loogu celiyay Dalka Taliyaaniga hase ahaatee dowlada wadankaas ayaa diiday in dalkeeda u ogolaato hooyadan Soomaaliyeed.

Booliska Sweden ee Xuduudaha ayaa Rihanna dib ugu soo celiyay Dalka Sweden iyagoo Xitaa tikidka kasoo bixiyay Sida Rihanna u sheegtay warbaahinta.

Rihanna ayaa dooneysa inay la noolaato Caruurteeda iyo Ninkeeda oo heesta Sharciga Dalka Sweden kuna nool muddo dheer inkastoo ay cabaqado kala kulmeyso laanta socdaalka dalkaas.

Hooyada Caruurteeda iyo Aabahood ayaa ku nool magaalada Arvika halkaasoo kiiskooda ka furnaa Sanadihii ugu danbeeyay, Hay’ada Socdaalka ayaana ugu dambeyn Xukun Musaafurin ah u soo saartay Hooyadan Soomaaliyed inkastoo talaabadaas ay fashilantay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo la xiray iyo magacyadooda oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Labo Siyaasi oo soo noqday Ra’isul Wasaarayaal oo lagu riday Xukuno adag  

Cabdi Cade

War Murtiyeed Khuuseeya Soomaaliya oo laga soo saaray Shir Madaxeedkii IGAD

Cabdi Cade
Taboola Ads ---