Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Volcano halis ah oo ka qarxay Buurta Merapi iyo digniin culus oo laga soo saaray (Sawirro)

Volcano ayaa ka qarxay buurta Merapi ee dalka Indonesia, waxaana ka dhashay daruur kulul oo dusha sare u kacday ilaa todobo KM,sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.

Buurtan uu Folkaanaha ka qarxay oo ku taalla gobolka Yogyakarta ayaa wuxuuna bilowday abbaare 12-kii duhurnimo xilliga maxalliga ah (0500 GMT) waxaana la arkay qulqulka dab kulul oo ku baahay dhul gaaryaa 1.5 km, maamulka maxalliga ah ayaa sidaas sheegay.

Dadka degaanka ee ku dhow dhow ayaa looga digay inay joojiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka wadaan aagagga khatarta ah, ayna ka fogaadaan buurtaas saddex ilaa toddobo kilomitir.

Merapi Dhererkeedu waa 2,963 mitir (9,721 cagood) waa mid ka mid ah foolkaanooyinka ugu firfircoon Indonesia wuxuuna horey ugu jiray heerka feejignaanta labaad ee ugu sareysa dalka.

Sarkaal ka tirsan goobta kormeerka deegaanka, Yulianto ayaa sheegay in aysan jirin dad deegaanka oo la daadgureeyay.

“Tani waxaa la arkay hal mar oo kaliya, waxaa dhacay, haddii masaafada saameynta volcanaha ay ka badan tahay 7 kiiloomitir, waxay u badan tahay in dadka deegaanka lagu taliyo inay ka guuraan,” ayuu yiri.

Indonesia waxay leedahay foolkaanooyin badan. Merapi waxaa ugu dambeysay inuu volcano ka qarxo sanadkii 2010, waxaana ku dhintay in ka badan 350 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin la ogaaday inuu ku dhowaad Sodon sano u xirna dambi uusan gelin (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Haweeney iyadoo nin iska dhigeysa guursatay haween kale oo lagu qabtay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Dowlada oo gacanta ku dhigtay Dhagax Qaali ah oo laga soo helay Deegaanka Ceel Cali

Cabdi Cade
Taboola Ads ---