Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa caawa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay Nabadoon caan ah oo ka tirsanaa Waxgaradka magaaladaas

Marxuum Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad Cabdi-dheere xilli uu ka soo baxay Masjidka Ramadaan ee uu ku soo dukaday salaadii cishaha

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo Ciidamada ammaanka maamulka Puntland goobta ka wadaan baaritaano.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay nabadoonka iyo cida ka dambeysay inkastoo dilalka noocan ah looga bartay Al-shabaab

Gaalkacyo oo ay kala Maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa horay uga kala dhacay dilal qorsheysan, waxaana badi dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay dhigiisa Wiliam Ruto? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaybta 1aad :-Maxaa kala qabsaday Nebi Nuux CS iyo Qoomkii loo diray? (Qiso cajiib ah)

admin

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump oo wajahaya dacwado cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---