Waxaa lagu guuleystay in la bakhtiiyo dab galabta qabsaay qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho kaasoo la sheegay inuu ka dhashay koronto.
Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. C/risaaq Yuusuf Jalaaludiin ayaa sheegay in lagu guuleystay deminta dabkaas, ayna haatan qiimeynayaan khasaaraha uu geystay.
HOOS KA AHRSIO QORAAL UU SOO SAARAY AGAASIMAHA ISBITAALKA
Dadka Soomaliyeed aad ayaan ugu mahadcelinayaa, Dab koronto ka dhashay ayaa ka kacay saalada qaliinka oo ay shaqo caafimaad ka socotay dhib wayn oo gubasha ah wuu dhacay waxaana xaalad garaabo naga ah 3 ka mid ah shaqaalaha isbitaalka oo gudaha saalada ku xayirmay ugu danbeense laga soo bixiyay hadana lagu dabiibaayo digfeer.
Waan u mahadcelinayaa Dhamaan inta soo gurmatay , wasaarada caafimaadka oo uu ugu horeeyo wasiir Dr. Ali Haji Adam , Maamulka gobolka banaadir, taliska booliiska soomaaliyeed iyo taliska booliska gobolka banaadir.
Hada dabkii waa la damiyay waxaana qiimeyn ku wadnaa sababta dhalisay iyo qasaaraha baaxadiidiisa Mahadsanidiin dadka si walba inoogu gurmaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com