Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirka Madasha Watashiga Qaran oo Baydhabo ka furmaya iyo qaban-qaabo socota

Shirka madasha Watashiga Qaranka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Baydhabo kaasoo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka.

Waxaa looga hadli doonnaa qodobo ay ka mid yihiin dhammeystirka nidaamka federaalkan Amniga, doorashooyinka iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Xusseen Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in qodobada shirka looga hadlayo ay  yihiin kuwo hore ay ugu soo heshiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maxamed Abuukar Subeyr ayaa Baydhabo ka furey shir hordhac u ah Ajendayaasha shirka Madashada Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu halkaas ka furmo 14ka bishan Maarso.

Sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa isku diyaarinaya soo dhoweynta wufuuda ka qeyb galaysa shirkaas, waxaana magaalada Baydhabo laga dareemayaa qaban-qaabada shirkan, iyadoo amaanka magaalada la xoojinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saaxiibo isla cabi jiray Xashiishka kana tirsanaa Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Dowlada federaalka oo ciidamo hubeysan ka dejisay Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo boorsooyinkiisa ka xir xiranaya Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---