Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Dab goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini (Sawirro)

Dab ayaa goor dhhow ka kacay qeyb kamid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, waxana la arkayaa uuro cirka isku shareertay oo ka dhalatay dabka

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed Jalaludiin ayaa dalbaday in si deg deg ah loogu soo gurmado Isbitaalka oo uu dabka ka kacay.

Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya Qiic aad u farabadan oo cirka isku shareeray, waxaana socda dadaalo ku aadan sidii loo demin lahaa dabkaas.

Lama oga illaa hadda qeybaha uu saameeyey dabka iyo khasaaraha uu geystay, waxaana dabka uu ku soo beegmay xili isbitaalka ay ka socdeen adeegyo caafimaad ayna jiifeen bukaano badan

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah haamaha lagu keydiyo Ogsijiinta ee taalay isbitaalka ay qaraxday.

Dabkan ayaa ku soo beegmaya xili saacado ka hor Wasiirka wasaaradda caafimaadka XFS uu xariga ka jirey xarunta howlagalada deg deg ah ee Caafimaadka guud oo laga dhex dhisay Isbitaalka Martiini.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Xarumaha degmooyinka Muqdisho oo caawa la weeraray

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Britain (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo:-Kalsooni gala noqoshada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ma noqonaysaa mid sax ah!!

admin
Taboola Ads ---