Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo adkeeyay hufnaanta maamul ee arrimaha Xajka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kormeer ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay xarunta Wasaaradda Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Shiikh Mukhtaar Roobow Cali, Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka.

Xamse Barre ayaa wasiirka iyo guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan.

Guddi uu dhawwaan magacaabay wasiirka diinta iyo owqaafta xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaray shuruudo laga rabo shirkadaha diyaaradaha ee u tartamaya arrimaha xajka gaar ahaan qaadista xujeyda ee sannadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda Sare ee Kenya oo si KMG u hakisay go’aankii xilka looga qaaday Gachagua

Cabdi Cade

Kala shaki soo kala dhax galay ciidanka dowlada ee ka howlgala Muqdisho 

Cabdi Cade

Wasaaradda Batroolka oo dib usoo celisay Heshiisyadii Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---