Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha (Sawirro)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Arrintan oo ka dhigan in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa ; xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiintu waxaa ay u mahad-celinaysaa guddoonka iyo senatorada aqalka saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ansixintooda Hindise Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sannadkan gudihiisa hir-galinta hawshan qaran oo wax-tarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkan waxaa ay golaha shacabka meelmariyeen March 1, 2023 halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen, iyada oo u hartay saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Itoobiya oo qabsaday magaalooyin cusub, kuna siqaya caasimada Makelle

Caydiid Ali

Israiil oo ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Luiz Lula da Silva

Caydiid Ali

Khilaafka Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo Waji kale yeeshay iyo Ciidamada Haramcad oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---