Tan iyo markii kooxda Al Shabaab ka bilaabeen magaalada Muqdisho beegsiga raga ka ganacsada maan-dooriyaha iyo goobaha lagu iibiyo ayaa inta badan waxaa xirmay san-daqadihii iyo goobihii kale ee lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya.
Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaallay goobo gaar ah oo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya sida xashiishhka, calaqa , taabuuga iyo sidoo kale cirbadaha daroogada ay isticmaalaan dhallinyarada qaar.
Goobo badan oo lagu iibin jiray maan-dooriyaha ayaa maalmahan la arkayay iyaga oo xiran, waxaa sidoo kale la waayay oo magaalada ku dhuuntay qaar badan oo kamid ah ragii ka ganacsan jiray maan-dooriyaha.
Sida aan wararka ku helnay waxaa sidoo kale xirmay biibitooyin kuyaalla qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ,kuwaa ay ku qayili jiray dhallinyaro iyo rag kale oo waa weyn xilliyada habeenkii ah.
Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ku dilay in ka badan 20-qof oo u badnaa dhallinyaro ,kuwaa ay ku eedeeyeen in ay ka ganacsan jireen maan-dooriyaha halka kuwa kalana ku sheegeen in ay ahaayeen ciyaal weero iyo burcad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com