Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal lagu xureenayo degmooyinka Galgaduud ka degto Beesha Murusade oo bilaabanaya

Waxaa socda diyaar garow ciidan oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka iyo deegaannada beesha Murusade ka degto gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo sannado badan ah Al Shabaab maamulaan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in la filayo maalmaha soo socda in magaalada Muqdisho ka baxaan xildhibaano iyo saraakiil hoggaaminaya guluf dagaal oo lagu qaadayo degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo xooggan oo katirsan milatareiga Soomaaliya, kuwaa oo garab siinaya ciidamada deegaanka beesha Murusade si ay Al Shabaab uga saaraan deegaannada iyo degmooyinka ay heestaan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawwaan la kulmay xildhibaano kasoo jeeda beesha Murusade ayaa u ballan-qaaday in ciidan xooggan iyo taageero kale la siinayo ciidamada deegaanka beesha Murusade si ay u xureestaan deegaannadooda.

Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa wali ku jira gacanta kooxda Al Shabaab, waxaana horey u fashilmay howlgal lagu doonayay degmooyinkaasi iyo deegaannada hoostaga in Al Shabaab laga saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Barnaamij cusub oo lagula soconayo Imaamyada Masaajida Sacuudiga oo la sameenayo

Cabdi Cade

R/Wasaare Kheyre iyo Wafdi la socda oo saakay ka dhoofay Muqdisho

Cabdi Cade

Shir u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalayay Soomaaliya iyo Uganda oo ka dhacay Kampala (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---