Ciidanka booliska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa maanta ilaa caawa howlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay degmooyin katirsan gobalka Banaadir iyo duleedkeeda kusoo qab qabtay burcad hubeesan oo shacabka dhac u geesanayay.
Burcadan hubeesan oo watay qoryo AK-47 iyo tooreeyo ayaa dad shacab ah dhac ugu geesanayay xaafado katirsan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana xilliga la qabanayay qaarkood ku guda jireen fal baarasho ah.
Booliiska ayaana xaafad katirsan degmada Hiliwaa ku qabtay labo nin oo burcad ah oo dadka ku dhacayay qoryo AK-47 , halka deegaanka Garasbaaley iyana ku qabteen labo nin kale oo tooreeyo dadka ku dhacayay, waxaa sidoo kale baxsaday burcad kale.
Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay muddooyinkan dambe burcada hubeesan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta Muqdisho, burcadan ayaana marar badan waxaa qabta booliiska, hasa ahaatee maalmo kaddib ayaa la arkaa iyaga oo lasii daayay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com