Allbanaadir.com
NEWS

Shir Nairobi uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF (Sawirro)

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Shirkan ka furmay magaalada Nairobi  ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doonaa sare u qaadidda dakhliga gudaha, maaraynta Maamulka Maaliyadda Guud (PFM) iyo nidaamka Dowlad Wanaagga.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheega in ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal badan ugu jirta sidii looga cafin lahaa lacago badan oo deyn ah, waxa ayna dowladda buuxisay sharuudo badan ay horey ugu xireen bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo codsi u diray Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha

Cabdi Cade

Mashaariic kala duwan oo ku baxeyso 40 milyan dollar oo Muqdisho lagu daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xisbiga uu Hogaamiyo Xasan Sheekh oo soo saaray War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---