Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaal Ciidan oo Caawa Kormeer kadis ah ku tagay Koontaroolada laga soo galo Muqdisho (Daawo Sawirada)

Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa galabta ilaa caawa waxa ay kormeero kadis ah ku tageen koontraroolada laga soo galo magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo yaala gudaha magaalada.

Taliyaasha ciidanka ayaa goobaha ay kormeerka ku tageen waxaa kamid ah Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Koontaroolo kuyaala Dayniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda.

Waxa ay taliyaashan kormeerka sameeyay ciidamada amaanka ee ku sugan koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho iyo kuwa magaalada dhaxyaala ku amaaneen sida ay u feejigan yihiin iyo howlaha adag ee hayaan.

Koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya kuwaa oo xaqiijinaya amaanka magaalada , waxaana ciidankan amaanka Muqdisho iyo duleedkeeda la wareegay ay badaleen ciidankii Xasilinta .

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Somaliland oo Ilaaladii kala noqotay Muuse Biixi

Caydiid Ali

Xog:- Maxay ku kala duwan yihiin Farmaajihii shalay iyo kan Maanta?

Caydiid Ali

Shacab careesan oo banaan bax ka dhigaya qeybo kamid ah magaalada Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---