Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal Somalia u soo diray Ciidankii u horeeyey ee aan qeyb ka aheyn ATMIS (Sawirro)

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa soo gaaray boqolaal Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxa hawlgalinta ciidanka militariga Itoobiya Gen. Tasfaye Ayalew, Taliyaha guud ee ciidanka Xoogga gaarka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Saraakiil kale ayaa la sheegay iney horkacayaan Ciidamada soo gaaray Doolow oo ku taalla xadka labada dal.

ujeedada Ciidamada Itoobiya ee aan ka midka aheyn ATMIS loo soo geliyey Somalia ayaa lagu sheegay inuu yahay  in layska kaashaado amniga Xuduudaha iyo sidii loo ciribtiri lahaa Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha ay u sheegeen  maamulka & odayaasha in ciidamo cusub oo howlgal ka sameyn doonaan deegaanada Jubbaland.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan Gobolka Gedo, iyaga oo saldhig  ka sameysanaya magaalada Baardheere, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona ka xoreynta Al-Shabaab deegaanada ay uga hareen gobolka Gedo iyo guud ahaan gobolka Jubadda Dhexe.

La taliyaha amniga Qaranka ee dowlada Somalia ayaa dhowaan sheegay inuu dhowaan bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka dalka looga saarayo Al-shabaab kaasoo uu sheegay iney ka qeyb qaadan doonaan ciidamo aan qeyb ka aheyn oo ka iman doona dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo shaacisay Sababta keentay Internet la’aanta ka jirta Muqdisho iyo Gobolada qaar

Cabdi Cade

Dowladaha Britain iyo Jarmalka oo baaq cusub kasoo saaray Dagaalka Xamaas iyo Israa’iil

Cabdi Cade

Dab saacado socday oo qabsaday Suuq ku yaalla Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---