Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia iyo dalalka kale ee J/Carabta oo digniin ka bixiyey biyo xireenka webiga Nile

Dowladaha Jaamacadda Carabta ayaa waxay ka digeen biyo xireenka halka dhinac ee ay dowladda Itoobiya ka waddo webiga Niil.

Bayaan ay soo saareen Wasiirrada arimaha dibbada ee J/carabta oo shir ku yeeshay Magaalada Qaahira ayaa ku sheegeen, in biyo xireenka Itoobiya uu khatar weyn ku yahay ku-tiirsanaanta Masar ee biyaha webiga Niil.

Waxay muujiyeen sida ay jaamacadda Carabta diyaarka ugu tahay inay difaacdo danaha Carabta, iyadoo dejisay aragtiyo ku saabsan xiisadda ka taagan Ukraine, hubka nukliyeerka, isbeddelka cimilada, iyo arrimaha dakalka Carabta.

Jaamacadda Carabtu waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto inay la xiriirto dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta.

Masar ayaa doonaysa inay dalalka Carabta ku qanciso Itoobiya inay aqbasho heshiis sharci ah oo ku saabsan buuxinta biyo xireenka webiga Niil.

Itoobiya ayaa biyo-xireen ka dhisaya webiga Niil, taasoo Masar ay ka cabsi qabto inay hoos u dhigto saamiga muhiimka ah ee ay ku leedahay biyaha wabiga oo ah halka ay ku tiirsan tahay nolosha shacabka Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Qoraal Wadajir ah soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Shirkada Facebook oo sameesaneysa lacag u gaar ah iyo Walaac xoogan oo laga muujiyay

Cabdi Cade

Wasiiro ka tirsan Puntland & Jubbaland oo beeniyey inuu fashilmay shirkii Afisiyooni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---