Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War-Murtiyeed laga soo saaray shirkii heyadaha amniga DF iyo dowlad goboleedyada (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa soo xirey shirka Taliyayaasha Boliiska Heerarkiisa kala duwan, Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Wasaaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo shalay ka furmay Magaalada Kismaayo.

Waxaa Shirka looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin.

1- Hanaanka cusub ee wada shaqeynta Boliiska dalka labadiis heer (Booliiska Federaalka ah iyo Boliiska Dowlad Goboleedyada)

2- Mideynta Mashruuca taakuleynta iyo jaangoynta baahiyaha Boliiska Dalka.

3- Arrimaha Amniga Dalka sida Maareynta Qaraxyada, Isa soo dhiibayaasha ka yimaada al–shabaab iyo arrimaha Socdaalka.

Taliyaha Boiliska DF ayaa u mahadceliyey Guud ahaan Wasaaradaha amniga  iyo Saraakiishii Ka soo Qeyb Gashey isagoo farey  Saraakiisha in  laga Shaqeeyo Horumarka Dalkeena  iyo U adeegga Bulshada Soomaliyeed.

Taliyaha ayaa intaas ku darey in Guud ahaan Booliiska Heerarkiisa kala duwan  laga qeyb Qaato Dib u xoreynta Dalka, qof kasta oo Boliiska ahna uu safka hore Ka galo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa ugu dambeyn shirka laga soo saaray War Murtiyeed ku saabsan qodobada ay ku heshiyeen ka qey galayaasha shirka ee la xiriira wada shaqeynta heyadaha amaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia: Tirada dadka uu soo ridanayo COVID-19 oo xawaare sare ku socota

Caydiid Ali

Shirkado badan oo ku tartamaya shidaalka Soomaaliya iyo bixinta shatiyada oo ..

Cabdi Cade

Madax xilal sare ka soo qabtay Somalia oo baaq deg deg ah ka soo saaray xaalada Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---