Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ed Barnett.
Kulanka oo diirada lagu saaray xiriirka qotada-dheer ee ka dhaxeeya labada dowladood, wada shaqeynta Baarlamaanka iyo dowladda Ingiriiska. Sidoo kale ku-simaha Safiirka ayaa uga mahadnaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS guushii uu kasoo hooyay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ku soo dhamaaday xasilooni siyaasadeed iyo isfahan bulsho.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay shuruucda muhiimka u ah ee Golaha Shacabka ay ansixiyeen iyo kuwa hada horyaala si loo dhameystiro adeegyada dowladda.
Dhinaca kale, Guddi hoosaadka, Gaashaandhiga iyo Arimaha Ciidanka, gaar ahaan siyaasada Xiliga kala guurka, isku dhafka, tababarada, dalacsiinta, caafimaadka, u kuur galka xiriirada caalamka, Maaliyada ee Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo uu hogaaminayay Xoghayaha Guddiga difaaca Xildhibaan Ahmed Abdi Kooshin ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xooga Dalka .
Halkaas oo ay Kulan Xog waraysi ah Kula yeesheen Hogaanka Caafimaadka iyo Hogaanka isbitaalka. Guddigu waxay dhegaysteen heerka adeega ee Isbitaalka, caqabadaha yaala iyo sidii looga gudbi lahaa
Sidoo kale wuxuu Guddiga oo soo indha indheeyay qeybaha kala duwan ee uu Isbitalka ka kooban yahay sida, Qaybta Bukaan jiifka, Farmashiga, Qaybta Saalada iyo Guud ahaan qaybaha kale ee Isbitalka Ciidanka Xooga Dalka.
Guddigu wuxuu booqday Bukaanadda kala duwan si ay uga dhagaystaan dhaawacyada iyo baahiyaha gaarka ay qabaan.
Ugu dambayn Xoghayaha Guddiga ayaa sheegay in ay si dhaw ula socon doonaan guud ahaan Isbitalka Xooga Dalka, warbixintana ay gaarsiin doonaan Golaha Shacabka Soomaliyeed si degdeg wax looga qabto Guud ahaan Caafimaadka Ciidanka Xooga Dalka.
SAWIRADA ADAN MADOOBE IYO SII NHAYAHA DANJIRAHA BRITAN
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com