Saddex Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay israsaaseyn dhexmartayu ciidamada Israel iyo rag hubeysan, iyadoo dhacdadani ay daba socoto iska horimaadyo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay degaanada la heysto.
Ciidamada amniga ee Israel ayaa sheegay inay weerareen tuulada Jaaba ee waqooyiga Galbeed si ay u xiraan raggan la dilay oo lagu tuhunsanaa inay ka dambeeyeen weeraro lagu qaaday askarta Israel.
Saraaakiisha Yuhuuda ayaa sheegaya in raggan ay rasaas ku fureen ciidamada Israel, kuwaasoo ka dib toogtay oo dilay saddex nin oo hubeysan oo dhammaantood lala xiriiriyey kooxaha hubeysan ee reer Falastiin.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa ragga la dilay aqoonsaday, waxayna magacyadooda ku kala sheegeen  Suufnan Faqhoury oo 26 jir ah, Nayofef Malaisha, 25 jir ahaa iyo Axmed Fashafsha, oo 22 jir ah. Nin afraad ayaa isbitaal la dhigey dhaawac soo gaaray ka dib, maamulka ayaa intaas ku dartay.
Rag hubaysan ayaa sidoo kale sheegay iney toogteen dayuurad aan duuliyaha laheyn intii lagu jiray iska horimaadka, sida uu sheegay milatariga Israel.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com