Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad degaanka Soomaalida oo jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeeray Somaliland

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda DDS

9 March 2023

Shir ay maanta oo taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.

In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.

Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland.

—— Dhamaad ——

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay in la xaraashayo Shidaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Trump oo weli lagu dhegan yahay, & dhegeysiga dacwad loo heysto oo bilaabaneysa

Caydiid Ali

Amiir Khaled bin Talal oo 11-bil kadib xabsiga laga sii daayay xili uu cadaadis xoogan saaran yahay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---