Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo dedaal xoog leh ugu jirta Xiriir ay la sameysato dalal ay Somalia ku jirto

Warbixin lagu daabacay Wargeyska Israel Hayom ayaa lagu sheegay inay Israel ka shaqaynayso sidii loo ballaarin lahaa looguna soo diri lahaa dalal kale Heshiiska Abraham Accord ee ay xiriirka diblomaasiyadeed kula sameyneyso dalalka carabta iyo kuwa islaamka qaarkood.

Wargeyska waxa uu qoray inay ogaadeen Xog ku aadan inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel, Eli Cohin  ku hawlan yahay sidii loo caadiyeyn lahaa Xiriir ay Israel la yeelato dalalka Somalia, Mauritania, Niger iyo Indonesia.

Qorshahaasi ayaa qeyb ka ah sidii loo ballaarin lahaa Heshiiska loo yaqaano Mucaahadada ama Heshiiska Abraham Accords oo ay Israel ku caadiyeysay sanadkii 2020-kii Xiriirka kala dhexeeyo dalalka Imaaraadka, Bahrain iyo Morocco.

Wargeyska Israel Hayom waxa uu Warbixintiisa ku xusay inuu Ra’isul-wasaare Benjamin Netanyahu ku lug leeyahay dadaallada ka dambeeyo arrintaasi, sidoo kalena ay la duuban yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka,  Antony Blinken,  La-Taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka,  Jake Sullivan iyo Amis Hochstein oo Dhexdhexaadiye ka ahaa Heshiiskii Badda ee Israel iyo Lubnaan kala saxiixdeen.

Wargeyska waxa uu tilmaamay inuu meel Wanaagsan marayo Wada-xaajoodka lagula jiro Dowladda Mauritania, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel si rasmi ah uga codsaday dhigiisa dalka Jarmalka, Annalena Baerbock inay Israel ka taageeraan Xiriir ay la yeeshaan dalalka Mauritania iyo Niger.

Israel iyo Mauritania waxay Xiriir diblomaasiyadeed yeesheen sanadkii 1999-kii, laakiin wuixuu dalkaasi Xiriirka u jaray Israel sanadkii 2008-dii ka dib markii uu qarxay Dagaalkii Qasa.

Dhanka kale, Warbixinta Wargeyska israel Hayom waxaa lagu xusay inaysan Israel iyo Somalia marnaba Xiriir diblomaasiyadeed yeelanin weligood, balse, ilaa sanadkii hore Warar ayaa sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud danaynayo Xiriirkaasi, waa sida uu Hadalka u dhigay Wargeyskaasi.

Ma jiraan warar Madax-banaan oo xaqiijinayo arrintaasi balse Israel waxay u danaynaysaa Somalia muhiimada istaraatiijiyadeed ee u dhexeysa Gacanka Cadmeed ilaa Badweynta Hindiya ee laga soo galo Badda Cas sida  ay sheegayaal dadka falanqeeya arrimaha geeska Afrika.

Ugu dambayn, Wargeyska Israel Hayom waxa uu qoray inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel, Eli Cohin xitaa ka shaqaynayo sidii loo caadiyeyn lahaa Xiriirka Israel iyo dalka Indonesia oo ah dalalka ugu Tirada Tirada dalalka Islaamka.

Inkastoo aysan Indonesia wax xiriir Rasmi ah la lahayn Israel, haddana waxaa jira xiriiro aan rasmi ahayn oo ka dhexeeya ee dhinacyada Ganacsiga, Teknoolajiyada iyo Dalxiiska.

Nuradin Abukar Dini
Mogadishu Soomaaliya

 

Related posts

Haweeney Aroosad ah oo sun ku dishay 15-qof oo xafladeeda arooska kasoo qeyb galay

Cabdi Cade

Xabsi guri la galiyay Dawud Ibsa Ayana iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Burcad dhibaato badan ku haya shacabka kunool xaafado katirsan Degmada Dayniile

Cabdi Cade
Taboola Ads ---