Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo Qorshayaal kala hadlay Guddiga joogtada ee golaha Shacabka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nuur ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kullanka guddiga ayaa maanta looga hadlay qorshe howleedka guddiga oo ay ugu horeeyaan qaabaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada golaha iyo ajandeynta hindise sharciyeed-yadda harsan ka hor inta uusan soo xirmin kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in golaha soo qabteen shaqooyin badan, waxa uuna xusay in ay wali harsan yihiin howlo badan gaar ahaan sharciyo looga fadhiyo golaha in ay meel mariyaan ama diidaan.

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa kulamadii ugu dambeeyay ku meel mariyay hindise sharciyeedyo kala duwan ay kamid yihiin mida hay’adda NISA, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo sidoo kale sharciga hay’adda socdaalka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Gaandhi “Dowladda Soomaaliya waxay gashay qalalaad siyaasadeed iyo mid sharci ah(Daawo Muuqaal)

admin

Maxaa sababay in ciidamada AMISOM laga goosto Mushaharkii ay qaadan jireen?

Caydiid Ali

Qeylo dhaan xoogan oo kasoo yeertay Maamulka Somaliland (Daawo Muuqaal)

admin
Taboola Ads ---