Allbanaadir.com
NEWS

Shil naxtin leh oo dhaliyay khasaaro kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaad ah oo waday birar iyo alaabo kale oo culusĀ  ayaa dardaray mooto bajaaj ay dad saarnaayeen, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Shilkan oo ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sababay geerida labo qof oo saarnaa mootada uu gaariga dardaray iyo dhaawaca qof kale, waxaana la sheegay in gaariga uu dul maray mootada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay adkaatay in meydadka lasoo saaro mootada maadaama uu jirkooda gogo’ay , waxaana aad looga deerinayaa xaalada qof kale oo ku dhaawacmay shilkan oo isbitaal loola cararay.

Masuuliyiinta maamulka degmada Kaaraan oo gaaray goobta shilku ka dhacay ayaa sheegay in gaariga leedahay mid kamid ah shirkadaha Muqdisho ka howlgala, waxa ayna sheegeen in baarista kiiskan booliiska la wareegeen.

Shilalka ay geestaan gaadiidka waa weyn ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, habeeno kahor ayaa sidaan oo kale gaari weyn oo xamuul siday jiiray mooto bajaaj, waxaana shilkaasi ku dhintay wiil dhallinyaro ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo amaro yaab leh ku soo rogtay Culimada ka wacdiya Masaajidada

Caydiid Ali

Waalidiin Badan oo Farxad la Ilmeeyay markii ay arkeen Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea

Cabdi Cade

Maxkamad amartay in lasoo xiro Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---