Qarax ayaa galabta casar gaabadkii ka dhacay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Jugta qaraxa oo aad u xoogganaa ayaa la soo sheegayaa in laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Balad-weyne sida ayu sheegayaan dad goob joogayaal ah.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxa loo adeegsaday miino la aasay uu ka dhacay maqaayad ku taalla xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.
Maqaayada la qarxiyey ayey wararku sheegayaan iney ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Macawisleyda ee qeybta ka ah dagaalka Al-Shabaab.
Tiro dad ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas ayaa laga qaaday goobta kuwaasoo la gaarsiiyey goobaha Caafimaadka inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.
Al-Shabaab ayaa ugaarsi ku bilowday xubnaha ka tirsan Macawisleyda oo bilihii la soo dhaafay sabab u noqday in laga saaro inta badan gobolka Hiiraan iyo degaano kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com