Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay sababta uu RW Xamse shaqada uga farisiyey Guddiga Maamulka hay’adda Duulista Hawada?

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Raisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in shaqo joojin lagu sameeyay  guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Guddiga ayaa lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Warqad sumadeedu tahay XFR/0115 oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda 5-tii bishan Maarso 2023 ayaa lagu shaaciyay in Raisal Wasaare Xamse uu shaqada ka joojiyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed, kadib wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la sheegay iney cuuryaamin karto adeega Caalamiga ah iyo kan Wadaniga oo ay u xilsaaran tahay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iney soo diyaariso, isla markaana u soo gudbiso Golaha Wasiirradda wax ka badalka sharciga hay’adda si ay ula jaan qaado hay’adaha Duulista Rayidka ee Caalamka, sidoo kalana Xukuumadda ay u soo gudbiso habraaca guddiga maamulka hay’adda.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladda oo Go’aamisay magac cusub oo loogu yeerayo Al Shabaab Digniina soo saartay

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magaalada Oslo kula kulmay Erna Solberg (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo meydadka shan la heyste ka soo helay God ku yaalla Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---