Allbanaadir.com
NEWS

Waddo muhiim ah oo kutaalla Uganda oo loo hakiyay isticmaalkeeda Cabsi darteed

Dalka Uganda ayaa waxaa laga dareemay cabsi laga qabo in uu qarax ka dhaco, waxa ayna ciidamada booliiska xireen waddo muhiim ah oo kutaalla dalkaasi ,kaddib markii ay soo baxeen digniino amni.

Booliiska ayaa muddo kooban hakiyay isticmaalka waddada weyn ee isku xirta magaalada caasimadda ah ee Kampala iyo garoonka diyaaradaha, waxa ayna booliiska waddaaasi ka sameeyeen baaritaano dhinaca ammaanka.

Kooxaha ammaanka ee ka hortaga bambooyinka ayaa la geeyay waddada laga shakiyay si ay baaritaan uga sameeyaan waddada Entebbe ka hor inta aan loo fasaxin isticmaalka dadweynaha sida booliiska sheegeen.

Booliiska ayaa sheegay in xaalada hadda la hubiyay loona fasaxay gaadiidka dadweynaha kaddib markii la hubiyay,  waddadan cabsida darteed saacadaha loo xiray ayaa waxaa dhistay dowladda Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Dhimashada daadadkii Liibiya oo dhaaftay 11 kun & dad weli la’layahay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Rooble oo balanqaad u sameeyey Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala Galmudug

Caydiid Ali

Muxuu danjire Cali Cagabaruur kala hadlay Dr. Issahaq Umar Iddrisu? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---