Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo dad badan hortooda ku ilmeeyay kaddib markii uu Xasuus galay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kaga qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in hooyadu ay tahay laf dhabar iyo aas-aas muhiim u ah jiritaanka qoyska iyo qaranka.

Mudane Xamse ayaa xusay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa ilaalinta Xaquuqda Haweenka iyo doorkooda ku aadden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar”.

Xamse Barre ayaa ilmeeyay xilli uu dad badan la hadlayay uuna soo xasuustay geerida hooyadiis, waxa uuna sheegay in hooyadiis xaalad adag iyo dhibaatooyin badan kasoo martay koruumadooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda muhiimka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjid loo dhibaateeyey una xirmay Islaam-naceyb oo dib loo dayactirayo !

Cabdi Cade

RW Khayre oo xil cusub u Magacaabay taliyihii Xilka laga qaaday ee ciidanka Asluubta

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo bilaabay la xisaabtanka xubnaha Golihiisa Wasiirada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---